Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Lagu Dhaawacay Muqdishu


Dablayda ayaa wadatay baabuur, waxayna rasaas ku fureen baabuurka xildhibaanka uu la socda oo marayey waddada Via Roma ee degmada Xamar Weyne sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacadda VOA.

Xildhibaan Mayow Mustaf ayaa dhaawac culus uu halkaasi kasoo gaaray. Toogashadaasi waxaa ku dhintay saddex qof oo kale oo la socday xildhibaanka oo uu ka mid ahaa Liibaan Cabdullaahi oo hore uga tirsanaan jiray Baarlamaanka.

Xildhibaan ayaa loola cararay cisbitaalka Medina halkaasi oo lagu sameeyye qalliin waxaana la sheegay in xaaladdiisa ay haatan deggan tahay.

XS
SM
MD
LG