Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: 5 Qof oo Ku Dhintay Qarax Baabuur


Qarax xooggan ayaa laga maqlay agagaarka xarunta Maamulka ee Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay meel u dhow xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu sababay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday afaafka hore ee xarunta.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday shan qof, islamarkaana toddoba qof oo kale ayaa ku dhaawcmay.

Dadka ay waxyeelada soo gaartay oo gebigood ahaa shacab, ayaa u badan arday, sida uu VOA u sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane.

Dhinaca kalana qarax labaad oo loo adeegsaday bambo gacmeed ayaa ayaa ka dhacay agagaarka saldhigga booliiska degmada Kaaraan ee magaalada Muqdishu. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada booliiska oo loola cararay isbitaalka Kaysanay.

Weriyaheena Xuseen Barre ayaa wareystay afhayeenka.

Qarax ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:28 0:00

XS
SM
MD
LG