Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saldhigga Booliiska Huriwaa oo la Weeraray


Saraakiisha dawladda ee degmada Huriwaa ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabab ay soo weerareen saldhigga booliiska ee degmada Huriwaa caawa fiidkii.

Mid ka mid ah mas'uuliyiinta saldhigga ayaa VOA u sheegay in dablayda weerarka soo qaadday ay ku rideen saldhigga qoriga baasuukaha iyo rasaasta fudud.

Wararku waxay sheegayaan inaan cidna waxba ku noqon weerarkaasi.

Ciidamada booliiska ayaa la sheegay inay baacsadeen dablayda weerarka soo qaadday.

XS
SM
MD
LG