Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamada Somailand: Lama Xiri Karo Suxufi


Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa soo saartay sharci cusub oo diidaya in la xiro suxufiga isaga oo aysan maxkamad xukmin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay inay soo saareen amar is hortaagaya in suxufiyiinta la xidho.

Aadam Xaaji Cali waxa uu sheegay in amarkan cusub uu dhigayo haddii ay jiraan wax eed ah oo loo haysto suxufiga lagu oogo isagoo dibedda jooga.

Guddoomiyaha oo ka mid ahaa masuuliyiin tiro badan oo maanta ka qaybgalay xuska maalinta saxaafadda Somaliland oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ay garsoorayaasha u tababarayaan qaadista dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxa magaalada Hargeysa nooga soo diray Weriyaha VOA Barkhad Kaariye.

Suxufiyiinta Somaliland
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:54 0:00

XS
SM
MD
LG