Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay Salka Ku Haysaa Xiisadda Somaliland?


Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland maxay salka ku heysaa ? Ma loolan siyaasdeedbaa mise waa arrin sharci?

Maalintii isniinta ee la soo dhaafay ayaa Somaliland waxaa is casilay in ka badan 10 xubnood oo iskugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo mas’uuliyiin kale, oo ka mid ahaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Salaasadiina, Madaxweynaha Somaliland Axamed Maxamed Siilaanyo, ayaa mas’uuliyiin cusub u magacaabay xilalkii ay xubnahaasi baneeyeen, inkasta oo ay weli jiraan masuuliyiin kale oo ka tirsan golaha wasiirada ee Somaliland oo iyana xilka ka tegey.

Wasiirada is-casilay, oo ay ka mid yihiin wasiirkii arrimaha dibedda Maxamed Yoonis Biixi iyo wasiirkii madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, ayaa is-casilaaddooda ku sababeeyey in Siilaanyo uu u kala eexday dhinacyada isku haya inay kusoo baxaan musharraxa xisbiga Kulmiye ee doorashada madaxweynaha.

Hadaba xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland maxay salka ku heysaa ? Ma loolan siyaasdeedbaa mise waa arrin sharci?

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa su’alahaas iyo kuwo kaleba hordhigay Guuleed Axmed Dafac oo ah sharciyaqaan isla markaana ah afhayeenka Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee CPA, oo ku suggan dalka Holland.

Fallanqeyn ku saabsan xiisadda Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

XS
SM
MD
LG