Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA iyo NATO oo ka Walaacsan Russia


Mareykanka iyo NATO, ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya joogitaanka meleteriga Ruushka ee waddanka Syria.

Mareykanka iyo NATO, ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya joogitaanka meleteriga Ruushka ee waddanka Syria.

Sarkaal sare oo Mareykan ah, ayaa VOA u sheegay in dayaaradaha ruushka ay saanado meleteri siinayeen Syria, tallabooyinkaasi oo uu sarkaalku ku sheegay inay xaaladahu xumeynayaan.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibbadda Mareykanka John Kirby, ayaa warfidiyeennada u sheegay in aysan hayin xaqiiqda arrintaasi, balse uu xog-hayaha arrimaha dibadda John Kery uu qadka telefoonka kagala hadlay arrimahaasi dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov.

Kirby ayaa sheegay in arrimahani ay ka dhigeyso xaaladda Syria mid un ka sii darta.

XS
SM
MD
LG