Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Magaalada Dhuusomareeb


Ururka Ahlu-Sunna Wal Jamaaca ayaa maleeshiyadiisii ka saaray Dhuusamareeb, iyadoo deegaanka Mareer-Guur oo 28 km magaalada u jirta ay isku horfadhiyaan ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in maleeshiyada Ahlu-Sunna ee gacanta ku hayey magaalada Dhuusomareeb, ee gobolka Gal-gaduud ayaa wararku sheegayaan inay halkaasi ka saareen inta badan ciidankodii.

Goobjoogayaal oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa VOA u sheegay in duleedka magaalada ay isku horfadhiyaan laba maleeshiyo oo kala taageersan maamulka Gamudug Ahlu-Sunna.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya inay jirto cabsi ku aadan in dagaal uu dhexmaro labada maleeshiyo.

Dhuusamareeb oo caasimad u ah maamulka Galmudug ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay gacanta ku haya maleeshiyo taageersan ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca oo iyagu diidan maamulka Galmudug ee uu madaxda u yahay Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Wareysi: Dhuusomareeb
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:49 0:00

XS
SM
MD
LG