Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Maalinta Macallinka oo La Xusay


Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Abiib Axmed Cali oo ka hadlay munaasabaddan ayaa sheegay in la doonayo in sare loo qaado xaaladda nololeed ee macallimiinta.

Magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa waxaa maanta lagu qabtay socod iyo munaasabad lagu xusayey maalinta macallinka adduunka, oo maanta ku beegan.

Socodkan, oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Somaliland, arday iyo macallimiin ayaa waxa uu ka billowday bannaanka xafiiska wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayada oo lagu soo geba gebeeyey jaamacadda Hargeysa, oo xuska lagu qabtay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Abiib Axmed Cali oo ka hadlay munaasabaddan ayaa sheegay in la doonayo in sare loo qaado xaaladda nololeed ee macallimiinta, islamarkaana loo kordhiyo mushaharka, si ay nolosha isaga filnaadaan.

Abiib, ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay waddo qorshe la doonayo in lacag loogu qoro macallimntii gaara da’da howlgabka.

Warbixintan, waxaa Hargeysa kasoo diray weriyaheena barkhad Maxamuud Kaariye.

Maalinta Macallinka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:17 0:00

XS
SM
MD
LG