Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Labada Korea oo Maanta Heshiis Gaaray


Kim Kwan-jin, la-taliyaha ammaanka madaxweynaha Korea-da Koonfureed (Midig), oo gacan qaadaya sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Korea-da Waqooyi Hwang Pyong So (Bidix) Aug. 25, 2015.
Kim Kwan-jin, la-taliyaha ammaanka madaxweynaha Korea-da Koonfureed (Midig), oo gacan qaadaya sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Korea-da Waqooyi Hwang Pyong So (Bidix) Aug. 25, 2015.

Labada Korea ayaa maanta gaaray heshiis ay uga baaqsanayaan dagaal labada dhinac dhexmara.

Labada Korea ayaa maanta gaaray heshiis ay uga baaqsanayaan dagaal labada dhinac dhexmara.

Seoul ayaa oggolaatay inay damiso cod-baahiyayaasha, halka Pyonyang ay iyadu raali geli ka bixisay miino ku qaraxday laba askari oo Kuuriyada Konfureed ka tirsan.

Kuuriyada Konfureed ayaa maanta damisay sameecadaha waaweyn ee baahinayay dacaayadaha ka dhanka ah xukuumadda Pyongyang.

Kuuriyada Waqooyi ayaa iyaguna dhinaceeda raali gelin ka bixisay qarax miino oo ay ku dhaawacmeen laba askari oo Kuuriyada Koonfureed u dhashay.

Lataliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Kim Kwan-jin ayaa sheegay in labada Korea ay ku heshiisyeen inay si deg-deg ah wadahadallo ugu qabteen Seol ama Pyonyang si ay u hagaajiyaan xiriirka, 62 sano kadib markii uu ku dhamaaday dagaalkii Korea-yada xabbad-joojin, ee aanu ku ku dhamaan heshiis nabadeed.

Labada dhinac ayaa sheegay inay bisha September dib u bilaabi doonaan isku-keenida qoysaska ku kala qeybgasamay colaadda labada dhinac

Maraykanka, oo isbahaysi la leh Kuuriyada Koprean, ayaa soo dhaweeyay heshiiska, wuxuuna sheegay inuu rajaynayo in xiisadda labada korea ay hoos u dhici doonta.

Ka hor inta aan heshiiska la saxiixin, ayaa madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed waxay ka dalbatay xukuumadda Pyongyang inay raali galin ka bixiso miinadii ay ku dhaawacmeen labada askari ee ka mid ah ahaa ilaalada xadka ee Kuuriyada Koonfureed, waxayna sheegtay inay taasi la huraan ahayd ka hor intaan xukuumadda Seoul damin cod-baahiyayaasha ay ku rakibtay xadka labada dal. Kuuriyada Waqooyi ayaa iyadu beenisay inay mas’uul ka ahayd shilkaasi.

XS
SM
MD
LG