Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baadigoob Loogu Jiro Kuwii Fuliyey Qaraxa Thailand


Khuburo baareysa goobta qaraxa uu ka dhacay. Aug. 18, 2015.
Khuburo baareysa goobta qaraxa uu ka dhacay. Aug. 18, 2015.

Mid ka mid ah dadka latuhmayo ee ay mas’uuliyiintu baadi goobayaan, ayay kaamerad ku qabatay agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay ee Erawan.

Raysal wasaaraha Thailand Prayuth Chan-ocha, ayaa sheegay in Talaadadii maanta ay mas’uuliyiin billaabeen baadi goobka dad la tuhmayo oo laga dhex arkay kaamerooyinka ammaanka ee wax duuba, kuwaas oo loo heysto inay ku lug lahaayeen weerarkii bambaano ee ka dhacay dalkaasi maalin ka hor, kaas oo ay ku dhinteen 22 ruux ayna ku dhaawacmeen 120 kale.


Waxa uu reysal wasaaruhu sheegay inay jiraan dad siyaabooyin kala gaddisan u doonaya inay waddankiisa u bur buriyaan.


“Isku dayada socda ee qarbudaadda, waxay noqon araan kuwa siyaasadeysan, bartimaameedsiga dhaqaalaha, dalxiisa oo sabab kaste haku yimaaddennee, ay dowladdu ka shaqeyn doonto sidii loo soo qaban lahaa kooxahaasi weerarka geystay, islamarkaasina loo hor keeni lahaa caddaaladda sida ugu macquulsan uguna dhaqsiyaha badan” ayuu Chan-Ocha ka sheegay Tv-ga dalkiisa


Mid ka mid ah dadka latuhmayo ee ay mas’uuliyiintu baadi goobayaan, ayay kaamerad ku qabatay agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay ee Erawan.

Video la baahiyay, ayaa muujinaya qof bac uu sitay uga tagaya halkii uu qaraxa ka dhacay, wax yar ka hor inta aanu qaraxa dhicin Isniintii.


Qarax kale, ayaa Talaadadii ayaa isna ka dhacay goob tareenka lagu sugo oo ku taalla magaalada Bankok ee caasimadda Thailand, kaas oo aan wax yeello geysan Booliska, ayaa sheegay in walax yar laga soo tuurey buundo ay qaraxday.

Kaamerooyinka ammaanka ee wax duuba, ayaa baahiyay, muuqaal muujinaya walax yar oo ku dhex dhaceysa biyaha, kuwaas oo qarax halkaasi ka geystay, taas oo aan laakiin wax qasaare kale geysan.​

XS
SM
MD
LG