Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kalfadhi Muhiim Ah Oo U Furmay BF


Waxyaabaha laga filayo baarlamanka waxaa ka mid ah in uu u codeeyo afar hannaan oo midkood lagu saleyn doono habka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya ee 2016-ka.

Waxaa maanta dib loo furay kalfadhigii baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo ah kii 7-aad tan iyo sannadkii 2012-ka, oo ah waqtigii la aas aasay baarlamanka.

Kullankii furitaanka ayaa waxaa soo xaadiray 141 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka.

Kalfadhiggan cusub ayaa waxa uu noqon doonaa mid lafdhabar u ah hannaanka gaarsiinta dalka ee doorashooyinka 2016, maadaama sharciyo badan oo la xiriira 2016 ay horyaalaan baarlamanka.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in la filayo in baarlamanka uu u codeeyo afar hannaan oo midkood lagu saleyn doono habka ay u dhaceyso doorashada Soomaaliya ee 2016-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbado ka jeediyey kullankii maanta.

Warbixinta kullanka iyo khudbadaha madaxda waxaa warkan inooga soo diray weriyaha VOA ee Muqdisho Jacfar Kuukay.

Dhageyso furitaanka kullanka baarlamanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00

XS
SM
MD
LG