Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Juba oo ka Hadlay Dagaalkii Kudhaa


Af-hayeenka Maamulka Juba Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Kismaayo in ciidamadoodu ay dagaal dhowr saacadood qaatay la galeen maleeshiyada ururka al-Shabab.

Cabdinaasir Seeraar ayaa ku hanjabay inay dhowaan ciidankoodu dib u qabsan doonaan Kudhaa.

Maamulka Juba ayaa sheegay in dagaalkaas ay uga dhinteen 15 askari, in ka badan 20 kalena ay kaga dhaawacmeen.

Maamulak Juba waxay ku eedeeyeen ururka al-Shabab inay dad rayid ah ku dileen Kudhaa.

Ururka al-Shabab ayaa iyagu shalay dagaal qaraar ku qabsaday Jasiiradda Kudhaa, waxaana al-Shabab ay sheegatay inay dishay in ka badan 60 askari.

Balse warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegay in dagaalkaasi ay dhinaca maamulka Juba uga dhinteen 43 askari, halka al-Shabab ay uga dhinteen 27.

XS
SM
MD
LG