Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mintidiinta NUSRA Oo Sii Daayey 16 Askari


Tallaabada lagu sii daayey askartan reer Lebanon ayaa qeyb ka ah maxaabiis isweydaarsi ay fududeysay dowladda Qatar.

Dagaalyahananda xiriirka la leh Al-Qacida ee Nusra ayaa sii daayey 16 askari oo u dhashay dalka Lebanon, taasi oo qeyb ka ah maxaabiis isweydaarsi ay fududeysay dowladda Qatar.

Mintidiin ka tirsan Nusra iyo kooxda Daacish ayaa qafaashay qiyaastii 25 askari intii uu socday weerar ay bishii August ee sanaddii 2014 ka fuliyeen magaalada Asral oo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Lebanon, una dhow xuduuudda Syria.

Mintidiintan ayaa sido kale dilay 10 askari oo kale intii uu socday weerarka iyo qaar ka mid ah askartii ay qabsadeen.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii mintidiintan ay ka carroodeen nin u dhashay dalka Syria oo kooxda ka tirsan oo dowladda Lebanon ay xabsiga dhigtay.

Maxaabiis is-weydaarsigan maanta dhacay ayaa waxaa qeyb ka ahaa in dowladda Lebanon ay sii deysay maxaabiis ka tirsan jabhadda Nusra. Nusra waxa ay sidoo kale dib usoo celisay meydka askari ay horey u dishay.

XS
SM
MD
LG