Isku xirrada

War Deg-Deg ah

KLM Oo Boorsooyinka Ka Mamnuucday Diyaaradaheeda Qahira


Shirkadda diyaaradaha ee KLM ayaa sheegtay in diyaaradaheeda kasoo baxaya Qaahira ee ku socda Amsterdam aysan u ogolaan doonin boorsooyinka la saaro qeybta xamuulka.

Shirkadaha Diyaraadaha caalamiga ah ayaa billaabay in diyaaradahooda kasoo baxaya magaalada Qaahira ay ka mamnuucaan boorsooyinka lagu qaado qeybta xamuulka ee diyaaradda.

Go’aanka ayaa ka dambeeyey kadib markii dhowr hoggaamiye oo ka mid ah kuwa caalamka ay soo jeediyen in laga yaabo in bam uu soo riday diyaaraddii Ruushka laga lahaa ee toddobaadkii tagay ku dhacday dalka Masar.

Shirkadda diyaaradaha Holland ee KLM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in diyaaradaheeda kasoo baxaya Qaahira ee ku socda Amsterdam ay u ogolaan doonto oo kaliya boorsooyinka gacanta lagu qaato.

KLM ma aysan sheegin muddada ay siyaasaddan jiri doonto, balse waxa tallaabadan ku macneysay mid taxaddar ah oo lagu salleeyey akhbaaraad gudaha iyo kuwo dibedda ah oo ay heshay.

Shirkadda Transavia oo ah shirkad yaboohday duuliimaadyo raqiis ah oo ay lee yihiin shirkadaha KLM iyo Air France ayaa sidoo kale ku dhowaaqday go’aan la mid ah kan KLM.

Khamiistii ayaa madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxa uu sheegay inay aad suurtagal u tahay in bam la saaray uu soo riday diyaraaddii Ruushka ee ku dhacday jasiirad u yaalka Siinaay ee Masar.

XS
SM
MD
LG