Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia oo ka Qeyb gashay Carwada Milano


Soomaaliya waxay qeyb ka tahay carwada Milano
Soomaaliya waxay qeyb ka tahay carwada Milano

Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, ayaa waxaa ka socda carwo dalalka caalamka ay kusoo bandhigayaan wax soo saarkooda, waxaana markii ugu horreysay muddo 25 sano ah ka qeybgalay Somalia.

Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, ayaa waxaa ka socda carwo dalalka caalamka ay kusoo bandhigayaan wax soo saarkooda, waxaana ka mid ah dalka Soomaaliya, oo maal-gashi loo raadinayo.

Waxyaabaha maanta lasoo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa cunnada iyo miraha lagu beero dalka Soomaaliya, ayada oo dadkii ka qeyb galay furitaanka carwada la siiyey oo ay cuneyn cunnooyin ay ka mid ahaayeen mooska, babaayga iyo isbaandheyska Soomaaliya.

Xubnaha ka qeyb galay kullanka, ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay aad uga heleen waxyaabihii Soomaaliya ay soo bandhigaty, islamarkaana ay muujiyeen inay filayaan inay Soomaaliya maalgashtaan.

Xubnaha ka socda dalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya carwadaas, ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka ganacsiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Cusmaan.

Caasha Ibraahim Aadan, ayaa arrintan ka wareysatay wasiirka ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:05 0:00

XS
SM
MD
LG