Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaare Ka Dhashay Fatahaada Webiga Juba


Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in xoolo nool uu ka qaadey wabiga, dalag beereedyo badanna ay ka baaba’een.

Boqolaal qoys oo deganaa tuulooyin hoos yimaada degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa ku guryo iyo beero beelay, fatahaad xoogan oo halkaas ka sameeyey wabiga Jubba.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen, waxaa halkaas ka da’ay roobab xooggan oo socday muddoo shan saac oo xiriir ah, kuwaas oo buux dhaafiyey webiga kadibna sababay fatahaadda.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sidoo kale sheegay in xoolo nool uu ka qaadey wabiga, dalag beereedyo badanna ay ka baaba’een.

Sida ay wararku sheegayaan, dad badan ayaa iminka hoy la’aan, waxaana deegaanka ka dillaacay kaneeco, taasi oo xaalladda kusii xumeysya dadka hoy la’aanta ay hayso.

Sahra Cabdi Axmed ayaa qadka teleefonka ee deegaan hoos yimaado Buurdhuubo kula xiriirtey Cumar Maxamed Ismaaciil oo ka mid ahaa beeralaydii uu fatahaadda wabiga saameyey.

Fatahaadda Webiga Jubba
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:35 0:00

XS
SM
MD
LG