Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Xerada Ifo Kasoo Qabatay Hub


Sida uu sheegay Maxamuud Saalix, waxa ay dhallinyaradan wateen saddex qori oo AK47 ah, 92 xabo oo rasaas ah iyo waxyaabaha qarxa.

Ciidamada ammaanka waqooyi bari Kenya, ayaa gacanta ku dhigay dhallinyaro Soomaali ah iyo hub iyo waxyaabo qarxo oo ay wateen, kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Dhallinyaradan oo illaa afar ah, ayaa waxaa laga soo qabtay xerada qaxootiga Ifo.

Madaxa ammaanka xeryaha gobolka Waqooyi Bari Kenya Maxamuud Saalix, ayaa sheegay in xarriga dhallinyaradan ay u sahashay xog ay ka heleen dadka ku sugan xeryaha oo booliiska soo war-geliyey.

Sida uu sheegay Maxamuud Saalix, waxa ay dhallinyaradan wateen saddex qori oo AK47 ah, 92 xabo oo rasaas ah iyo waxyaabaha qarxa.

Waxa uu intaas ku daray in dhallinyaradan dhowaan lasoo taagi doono maxkamad.

Wariyaheena Maxamed Faarax Shire, ayaa warkan inoo soo diray.

Warbixin: Hub iyo Dhallinyaro la qabtay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00

XS
SM
MD
LG