Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya Oo Guulo Ka Sheegatay Al-Shabaab


Madaxa Amniga ee Gobolkaasi Ambassador Maxamuud Cali Saalax ayaa VOA u sheegay inay yareeyeen weerarada Al-Shabaab ay fuliso.

Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay guulo ka gaadhay inay fashiliso weerararada ururka Al-Shabaab ay ka gaysanayeen gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Madaxa Amniga ee Gobolkaasi Ambassador Maxamuud Cali Saalax ayaa VOA u sheegay in muddadii uu xilka hayey uu dhacay oo keliya hal weerar, balse waxa uu ka digay in xilligan roobabka ay Al-Shabaab isku dayeyso inay maleeshiyo u dirto gudaha Kenya.

Waxa uu sheegay in Shabaabkan soo galaya Waqooyi Bari Kenya ay u socdaan koox koox ka kooban 10 illaa 15 maleeshiyo ah.

Taliyaha waxa uu sheegay in dadka ku nool tuulooyinka ku teedsan xuduudka ay naceen Shabaab, taasina ay keeni karto in gacan siiyaan ciidamada amniga, ayna ka adkaan doonaan Al-Shabaab.

Haaruun Macruuf ayaa wareystay Ambassador Maxamuud Cali Saalax.

Wareysiga ammaanka gobolka Waqooyi Bari Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:16 0:00

XS
SM
MD
LG