Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Dacwadda Badda Somalia Diidey


Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai (File Photo)
Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai (File Photo)

Dowladda Kenya ayaa la sheegayaa in ay si rasmi ah u diidey dacwadda la xiriirta badda ee Soomaaliya ay u gudbisey maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa ku sheegey dacwadan in ay tahay mid aan sharci aheyn.

Muigai, waxa kale oo uu sheegay in tallaabada ay qaadday Sooomaaliya ay muujineyso sida ay ugu abaal dhaceyso Kenya, oo uu sheegay in muddo 25 sano ah ay dalkeeda kusoo dhoweeneysay qaxootiga Soomaaliyeed.

Kenya ayaa ku doodeysa in ay Soomaaliya horey ula gaartey heshiis is afgarad ah, si wada hadal ay labada dal ugu dhameystaan muranka badda.

Idaacadda VOA-da ayaa si ay wax uga ogaato sababta ay Kenya uga leexaneyso in dacawada lagu xaliyo maxkamadda, waxa ay wax ka weydiisay Abdiwahid Abdullahi Warsame oo ka howlgala xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Ohio, islamarkaana sharciyaqaan ah.

Waxaa wareystay Falastiin Axmed Iimaan

Wareysi: Badda Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:01 0:00

XS
SM
MD
LG