Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nicholas Kay: Somalia Way Soo Kabaneysaa


Nicholas Kay
Nicholas Kay

Nicholas Kay ayaa Golaha Ammaanka ee QM u sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso dhibaatooyinka dal isku imanaya, oo aysan ahayn dal sii kala dhacaya.

Diblomaasiga ugu sarreeya QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa sheegay in Somalia ay kasoo gudbeyso dal guul darreystay, oo ay noqoneyso dal soo kabanaya, isaga oo khudbad u jeediyey kullanka golaha ammaanka QM ee Soomaaliya.

Kay waxa uu sheegay in is-beddelka Soomaaliya uu yahay mid si wanaagsan u socda, islamarkaana dalka uu ka gudbayo sanado badan oo qalalaase ah.
“Ugu dambeyn, Soomaaliya waxa ay wajaheysaa dhibaatooyinka dal isku imanaya, intii ay ka ahaan lahayd dal sii kala dhacaya” ayuu yiri Kay.

Inkasta oo Kay uu iftiimiyey guulihii Soomaaliya ay ku tallaabsatay, haddana waxa uu sheegay in sanadka soo socda uu yahay sanad go’aamin doona mustaqbalka Soomaaliya.

Waxa uu yiri in doorashooyinka dhacaya 2016 ay yihiin kuwo tijaabin doona awoodda dalka Soomaaliya uu u lee yahay inuu si wado horumarka, waxaana uu ku baaqay in cod bixintu noqoto mid waqtigeeda ku dhacda, lagana qeyb-geliyo dhinacyo ka badan kuwii 2012-ka ka qeyb galay.

Madaxweynaha Sooomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July u sheegay VOA in dalka uusan awood u lahayn inuu qabto doorahso qof iyo cod ah, sanadda 2016.

Isaga oo ka hadlaya diiwaanka guulaha Soomaaliya, Kay waxa uu tusaale usoo qaatay shaqada dowaldda Soomaaliya ay dhowr gobol oo dalka ku yaalla isugu geysay maamul goboleedyo.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in muddo saddex sano ah, aan wax maraakiib ganacsi oo waa weyn lagu afduuban xeebaha Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa dhinaca kale wareysi ku saabsan arrimaha Soomaaliya siiyey VOA-da, hoos ka dhageyso wareysiga.

Wareysiga Nicholas Kay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:57 0:00

XS
SM
MD
LG