Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kaalinta Somalia ee Qiimeynta Mo Ibrahim


Hay’adda Mo Ibraahim Foundation ee fadhigeedu yahay magaalada London oo sanad kasta soo bandhigta daraasado ay uga hadlayso dawlad-wanaagga dalalka qaaradda Afrika ayaa shalay oo isniin ahayd waxaa ay London ku soo bandhigtay warbixinteedii sanadkan.

Warbixinta cusub ee Mo Ibrahim, waxa ay ka hadlaysaa in qaaraddu ay ka gaabisay horumarinta dawlad-wanaagga intii u dhexeysay sanadihii 2011 ilaa 2014-ka.

Hay’addu waxaa ay sheegtay in dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ay halka ugu hooseysa ka galeen qiimaynta dawlad-wanaagga.

Waxyabaaha daraasadda lagu eegayey, ayaa waxaa ka mid ah dib u dhacyada iyo horumarada laga sammeeyey dhinacyada nabad-galyada, sharciga iyo kala dambeynta, ka qeyb-galka dowladnimada iyo xuquuqda aadanaha.

Wariyaha VOA ee London, Ridwaan Xaaji Cabdi Wwali ayaa warbixin arrintan ku saabsan kasoo diray London.

Qiimeynta Mo Ibraahim
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:56 0:00

XS
SM
MD
LG