Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Lagu Dhaawacay Muqdishu


Nuure Maxamed Cali oo horey ugu shaqayn jiray idaacadda Kulmiye ayaa goor dhowayd si xun ugu dhaawacmay qarax xooggan oo ka dhacay agagaarka KM-4 ee magaalada Muqdishu.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo malaynayo in loogu xiray baabuurka uu watay weriyaha.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in booliiska iyo shaqaalaha gargaarka caafimaadka ayaa gaadhay goobta.

Ilaa hadda cidi ma sheegin inay ka dambaysya weerarkaasi.

Magaaada Muqdishu ayay inta badan ka dhacaan weerarro iskugu jira qaraxyo iyo toogasho oo loo gaysto shaqaalaha warbaahinta Soomaalida.

XS
SM
MD
LG