Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jidadka Somaliland Oo Dib Loo Dhisayo


Wasiirkii hore ee Qorshaynta Somaliland Cali Ibraahim Sanyare ayaa waxaan ka wareysanay dib u dhiska waddooyinka ee dadweynaha.

Sida ku cad warbixinada ay soo saareen ciidamada Booliska ee Somaliland, sannad walba waxa kordha tirada dadka waxyeellada ay ka soo gaadhayso shilalka gaadiidka.

Waxaa sababaha keena shilalkaas badankood loo aaneeyaa waddo xumida, ayada oo qaar ka mid ah waddooyinka ay yihiin kuwo burbursan.

Si arrimahaas xal loogu helo, ayaa waxaa xilliyadii dambe kor u soo kacay dadweynaha is abaabulaya si ay u dhistaan waddooyinka maraya deegaanadooda.

Mid ka mida waddooyinka ay dadka deegaanku dhismaheeda wadaan waxaa ka mida Waddada Cad ee isku xidhaysa Somaliland iyo Ethiopia, waxaana wadadan qorshaheeda sameeyey islamarkaana dhismaha hoose ee wadada dhigay dawladdii Talyaaniga sannadkii 1941-kii.

Waxaa xarunta VOA nagu soo booqday Wasiirkii hore ee Qorshaynta Somaliland Cali Ibraahim Sanyare haatanna ah Guddoomiyaha Guddida gacanta ku haya dhismaha wadadan, wuxuuna u waramay Ismaaciil Xuseen Farjar.

Waddooyinka Somaliland
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

XS
SM
MD
LG