Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jidadka Hargeysa Oo Dib Loo Dhisayo


Waxaa maanta Hargeysa lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee agabka lagu dhiso waddoyinka oo ay ku maalgaliyeen ku dhawaad Afar million oo dollar.

Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa lagu sameeynayaa maaligalintii ugu balaadhnayd ee dhismaha dhinac waddooyinka ah.

Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasabad ay ka qayb galeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada oo lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee agabka lagu dhiso waddoyinka oo ay ku maalgaliyeen ku dhawaad Afar million oo dollar.

Duqa magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo Wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac u waramay ayaa sheegay in lacagta ku baxday qalabkan ay qaar soo amaahdeen qaarna ay bixiyeen, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay ka qeyb galaan dhismaha waddooyinka.

Duqa magaalada Hargeysa waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in qalabkan ay ka caawin doonaan in ay dhisaan waddooyinka muhiimka u ah isu socodka Hargeysa.

Dhageyso wareysiga Duqa Hargeysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:23 0:00

XS
SM
MD
LG