Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Indha Qarshe: Waa Been Warbixinta QM


Jeneraal Indha Qareshe
Jeneraal Indha Qareshe

Taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa beeniyey warbixin la xiriirta mushaar la’aanta ciidamada Soomaaliya, oo ay diyaarisay kooxda QM u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee dalalka Eretria iyo Soomaaliya.

Warbixintaas oo aan weli si rasmi ah loo shaacin, balse ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegey in awood darrida Soomaaliya ka heysata in ay bixiso mushaaraadka askartooda ama xataa ay siiso cunno ay qatar galineyso oo ay wax kama jiraan ka soo qaadaysaa sanado badan oo howl adag ay ku jireen, iyo guulihii ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Gen. Daahir Aden Cilmi “Indha Qarshe” oo wareysi siiyey VOA-da, ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo la been abuuray.

Indha Qarshe waxa uu sheegay inaysan ahayn wax cusub in koaxda QM ay soo saartay warbixino noocaan ah, oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa waxba aan ka jira, isaga oo intaas ku daray in marka hore ay suuqa been geliyaan kadibna ay soo saran warbixino si beenta loo rumeysto.

Jeneraal Indha Qarshe ayaa xaqiijiyey inay jirto in lixdii bil ee lasoo dhaafay aysan ciidamada wada helin mushaarkooda, balse waxa uu beeniyey in lix bilood oo xiriir ah aysan mushaar qaadan.

Indha Qarshe ayaa waxaa wareystay weriyaha VOA ee London Ridwaan Xaaji Cabdi Weli.

Wareysi: Indha Qarshe
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:57 0:00

XS
SM
MD
LG