Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jenaraal Diin oo la Kulmay Sidqi Subxi


Jeneraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini
Jeneraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini

Wasiirada gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka milatari ee Soomaaliya iyo Masar iyo iskaasho laga sameeyo la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka gaanshaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali DIini ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay dhiggiisa dalka Masar Sidqi Subxi.

Labada wasiir ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka milatari ee Soomaaliya iyo Masar. Waxa ay sidoo kale ka isla soo qaadeen sidii labada waddan ay iskaashi uga sammeyn lahaayeen la dagalaanka argagixisada.

Janaraal Diini ayaa kullanka ka sheegay in Soomaaliya ay aad u qadarineyso xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Weriyaha VOA-da ee Qaahira Xuseen Saxnuuni ayaa warbixin kasoo diray.

Warbixinta Xuseen Saxnuuni
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:17 0:00

XS
SM
MD
LG