Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ururka ONLF Oo Ku Biiray Isbaheysi Cusub


Shanta urur ee isbaheysiga wada dhistay, ayaa sheegay in isbayesiga uu matali doono 60 milyan oo ka mid ah shacbiga Ethiopia.

Magaalada Oslo ee dalka Norway waxaa looga dhowaaqay isbahaysi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Is bahaysiga Shabacka ee Xorriyadda iyo Dimoqraadiyadda PAFD.

Isbaheysigan ayaa waxaa dhistay shan urur, waxaana ka mid ah ururka ONLF ee ka dagaalama Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Ururka OLF ee qowmiyadda Oromada.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee ururka ONLF Cabdiraxmana Sheekh Mahdi oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in isbayesiga uu matali doono 60 milyan oo ka mid ah shacbiga Ethiopia.

Waxaa qorshaha ugu weyn ee isbaheysigan lagu sheegay sidii qowmiyadaha ay matallaan ay u heli lahaayeen xaqa ay ku lee yihiin Ethiopia, oo ay aaminsan yihiin in la duudsiiyey.

Cabdiraxmana Xuseen Furre ayaa wareystay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee ONLF Cabdiraxmana Sheekh Mahdi, oo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway.

Dhageyso: ONLF oo ku biirtay isbaheysi cusub
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:58 0:00

XS
SM
MD
LG