Talyaaniga: Xaaladda Qaxootiga Somalida
Safiirka Somalia ee Talyaaniga, Nuur Xasan "Nuur Cadde" ayaa wareysi uu siiyay VOA uga warramaya xaaladda Somalida ku nool Talyaaniga
Talyaaniga: Xaaladda Qaxootiga Somalida
Waxaa la Cusboonaysiiyay 25.05.2011 03:00
Xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Talyaaniga ayaa aad u liidata. Dadkan ayaa waxaa dhibaatooyin ka haystaan dhinacyada guryaha iyo shaqooyinka.
Sidoo kale, waxaa dalka Talyaaniga soo galaya qaxootiga ka imanaya waqooyiga Afrika, gaar ahaan Libya. Safiirka Soomaalida ee dalka Talyaaniga ayaa VOA u sheegay in inta badan Soomaalidii daganayd dalka Libya ay haatan soo gaadheen dalka Talyaaniga.