Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isdilka Dhallinyarada Soomaalida Ee London


Rabshadoloo adeegsado mindiyaha oo dhexmara dhalinyarada Soomaaliyeed ee London ayaa kasoo cusboonaaday deegaanada Enfield iyo Edmonton.

Qaar kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan woqooyiga magaalada London ayaa ka cabanaya danbiyada kusoo badanayey muddooyinkan danbe xaafadaha Enfield iyo Edmonton.

Rabshadahan oo loo adeegsado mindiyaha oo dhexmara isla dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa kusoo cusboonaaday deegaankaasi, waxaana lagu dilay dhallinyarada Soomaaliyeed qaarkood.

Maalintii sabtida waxaa deegaankaasi ka dhacay shir ay isugu yimaadeen waalidiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed iyagoo xal u raadinaya dhibaatooyinkan soo noq-noqday.

Xubnaha shirka ka qeyb-galay ayaa is-weydiinaya sababta keeneysa in dhallinyrada Soomaaliyeed ay dhexdooda dagaalamaan oo ay is-dilaan, iyo sida arrintan xal buuxa loogu heli karo.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa arrimahan ka waraystay Maxamed Xasan Axmed “Qalinle” oo ka mid ah waalidiinta soo qaban qaabiyay kulankan, waxaana marka hore uu sharraxayaa waxa uu ku saabsanaa shirkaasi.

Is-dilka Soomaalida London
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00

XS
SM
MD
LG