Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Indonesia: Cidna kama bad-baadin diyaaraddii dhacday


Qaar ka mid ah bur-burka diyaaradda
Qaar ka mid ah bur-burka diyaaradda

Saraakiisha Dalka Indonesia, ayaa sheegay inaysan jirin cid ka bad-baaday diyaaraddii axaddii ku dhacday bariga dalkaasi.

Saraakiisha Dalka Indonesia, ayaa sheegay inaysan jirin cid ka bad-baaday diyaaraddii axaddii ku dhacday bariga dalkaasi.

Shaqaalaha dadka raadinaya oo maanta gaaray goobta ay diyaaradda ku dhacday ee gobolka Papua kadib markii uu dib u dhacay tariinkii ay raaceen, ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradda ay gebi ahaanba bur-burtay.

Saraakiisha ayaa sheegay in la helay meyadka 53 ka mid ah 54-ka qof ee saarnaa diyaaradda Trigana Air Flight 26, markii ay dhacday waxyar un ka hor waqtigii lagu waday inay caga dhigato magaalada Oksibil.

Marka laga soo tago shaqaalaha iyo rakaabka, diyaaradda ayaa waxa ay sidoo kale sidday 470,000 oo dollar oo ah lacag dowladda ay ugu talo gashay in loo qeybiyo qoysaska saboolka ah.

XS
SM
MD
LG