Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxooti Ku Dhintay Doon Ku Degtay Xeebta Turkiga


Doon la aaminsan yahay inay saarnaayeen dad qaxooti ah oo ayaa ku degtay xeebta dalka Turkiga, waxana la sheegay ugu yaraan 24 qof inay dhinteen.

Ciidamada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay badbaadiyeen 7 qof kadib markii doontu ay ku degtay Isniintii Badda Madow gaar ahaan Gacanka Mosphorus.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sii wada baadi-goobka rakaabka doonta waxayna adeegsanayaan doonyo iyo helikobtarro.

Ma cadda sababta keentay in doontu degto iyo tirada saxda ah ee dadka saarnaa.

Turkey waa waddan ay ka gudbaan dadka qaxootiga ah ee tagay waddamada Midowga Yurub.

XS
SM
MD
LG