Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD Oo Taageertay Go'aannadii Madasha


IGAD
IGAD

IGAD waxa ay sheegtay inay magacaabeyso koox dowladda Soomaaliya ka gacan siisa hir-gelinta go'aanada madasha kasoo baxay.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay inay si weyn u taageerayaan go’aankii dhawaan laga gaaray habka ay u qabsoomi doonto doorashada Somalia sanadkan 2016Ka, isla markaana ay guddi IGAD ah oo heer wasiir ah ay u saarayaan si ay dowladda Soomaaliya uga gacan siiyaan hirgelinta go’aankan.

Warmurtiyeed ka soo baxay shirkii 55-aad ee kheyrul caadiga ahaa ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD ay ku yeesheen 30-31kii January Magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in IGAD ay sameyneyso koox Wasiira ah oo IGAD ka socda, oo isugu jira Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo Uganda.

Kooxdaas ayaa waxa ay ka taageeri doonaan dowladda Somalia sidii ay ugu qancin laheyd maamul goboleedyada Federaliga ah sidii loo hirgelin lahaa Qodobaddii ka soo baxay shirka.

Waxey ugu baaqeen dowladda inay hanaanka doorasho ay ka dhigto mid loo dhanyahay dhinacna aan lagu dulmin.

Waxey sidoo kale, sheegeen in guddigan IGAD uu beesha caalamka, IGAD iyo Dowladda Somaliya kalaa shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa cid walba oo isku dayda inay carqaladeyso, hanaankan doorasho ee ku soo aaday waqtigan ciriiriga ah.

XS
SM
MD
LG