Wednesday, May 22, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 00:55

War

HRW: Syria Dambiyo Dagaal Ayey Gashay

Qiyaasta qoraalka - +

Koox Caalami ah oo xuquuqda Aadanaha u dooda ayaa ku eedeysay dowladda Syria inay ku kacday dambiyo dagaal,halka dadka dhaqdhaqaaqyada demuquradiyad doonka ah ka wada dalkaasi ay sheegeen in mucaaradku ay 15 ka mid ah ciidamada amaanka ay dileen, iyadoo xabad joojin ay qaramada midoobay gar wadeen ka tahay oo dalkaasi ka jirta ay tahay mid dabacsan.

Hay’adda Human Rights Watch ee u fadhigeedu yahay dalkan Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamada Syria iyo maleeshiyaad taabacsan dowladda ay dileen 95 qof oo rayid ah isla markaana ay bur buriyeen boqolaal guryo ah intii u dhaxeeysay dabayaaqadii bishii March iyo horaanta April gaar ahaan Gobolka Waqooyi galbeed dalkaasi ku yaarla ee Idlib.

Tacadiyadaas oo dhacay intii uu Kofi Anan wakiilka gaarka ah ee  Qaramada midoobay iyo jaamacadda Carabta ee Syria , isku dayayay  inuu dhex dhexaad ka galo xabad joojin.

Warbixin 38 bog ka koobneyd oo la sii daayay arbacadii shalay, ayey kooxdu ku sheegtay inay diwaangelisay, dadka xukun la laan la iska dilay, dilal dad rayid ah loo geystay, dad la iska xir xiray iyo jir dil la geystay, kuwaasoo ay Human Rights Watch ay ku tilmaantay iney u dhigmaan dambiyo dagaal.

Dadkaasi ayey hay’adu sheegtay in la soo qabqabtay oo meel la isugu keenay ka hor inta aan la dilin.

Madashan waa la xiray
faallooyinka
     
Qeybtan faallo kuma jirto. Adigu bilow inaad faallo halkan ku qortid