Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton ayaa ku boorinaysa labada Sudan inay xal ka gaaraan muranka u dhaxeeya ee labada dal qarka u saaray inuu dagaal dhexmaro.
Clinton ayaa hadalkan ka sheegtay kadib safar gaaban oo ay maanta ku tagtay caasimadda Suudaanta Koonfureed ee Jubba halkaasi oo ay kula kulantay madaxweyne Salva Kiir. Clinton waxay sheegtay in labada dhinacba u baahan yihiin tanaasul si ay u dhameeyaan arrimaha dhexdooda yaalla, gaar ahaan waxay ku boorisay inay labada dhinacba heshiis ka gaadhaan qabsiga dakhliga saliidda.
.