Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heerka Gaajada Dunida Oo Sare Usii Kacday


Inkasta oo uu jiro horumar laga sameeyey yareynta gaajada dunida, ayaa haddana heerka gaajada ee 52 ka mid ah 117-ka dal ee la qiimeeyey heerkooda gaajo, waxa ay xaaladdu weli tahay mid halis ah.

Dalalka Jamhuuriyadda Afrika Dhexe, Chad iyo Zambia, ayaa waxaa ka jira heerarka gaajo ee ugu sarreeya dunida, sida lagu sheegay warbixin uu sii daayey machadka daraasaadka Siyaasadda Cunnada Dunida.

Sida ay sheegtay warbixinta, dagaallada ayaa lala xiriir karaa inay horseedaan xaaladaha gaajo ee aadka halista u ah.

Dalalka ay ka jiraan heerarka gaajo ee ugu xun dunida, ayaa ah kuwa dhowaanahan ay dagaallo ka dhaceen ama ay dagaaallo weli ka socdaan, sida warbixinta ay sheegeyso.

Labada dal ee ugu liita caalamka, marka ay timaado heerka gaajada, ayaa ah kuwo ay dhowaanahan ka dhaceen dagaallo.

Si taas ku duwanna, dalalka Angola, Ethiopia iyo Rwanda, ayaa heerarkooda gaajo ay hoos usii dhaceysay tan iyo markii ay dagaalada sokeeye ka idlaadeen dabayaaqooyinkii sagaashamaadkii iyo labadii kun.

XS
SM
MD
LG