Isku xirrada

War Deg-Deg ah

War Walaaciyey Soomaalida Norway


Booliiska Norway ayaa sheegay in Xasan Dhuxulow oo ah Soomaali haysta dhalshada dalka Norway uu qayb ka ahaa weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday suuqa Westgate Mall ee Nairobi, sanadkii 2013.

Police-ka dalka Norway ayaa sheegay in Xasan Dhuxulow oo ah Soomaali haysta dhalshada dalka Norway uu qayb ka ahaa weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday suuqa weyn ee Westgate Mall ee ku yaala Nairobi, sanadkii 2013.

Police-ku waxaa ay sheegeen in natiijadani ay ka dhalatay baaritaan ay sameeyeen oo la xiriira weerarkii Westigate Mall. Baaritaankan ayaa qaatay muddo labo sanadood ah iyadoo weerarkaasina ay ku dhinteen dad gaaraya 65 qof, tira kale oo bandanna ay ku dhaawacmeen.

Baashe Maxamed Muuse oo ah xildhibaan ka tirsan Gollah Deegaanka ee magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa sheegay in dareen xoogan oo tiiraanyo leh uu ka dhashay warka kasoo yeeray Police-ka dalka Norway.

Soomaalida ku nool Norway oo lagu qiyaaso 38,000 oo qof ayaa sidoo kale ka walaacsan caruur Soomaaliyeed oo ku biiray kooxda ISIS ee dalka Syria.

Wariyaha VOA ee London ayaa khadka taleefanka ku wareestay Xildhibaan Baashe Maxamed Muuse oo marka hore ka hadlaya warka ay Boolisku ku dhawaaqeen.

Wareysi: Soomaalida Norway
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:21 0:00

XS
SM
MD
LG