Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milano: Garoon Loogu Magac Daray Saamiya


Saamiya oo Soomaaliya u matashay ciyaarihii Olombikada ee sanadkii 2008-dii lagu qabtay magaalada Beijing, ayaa geeriyootay 2012-kii.

Garoon kubadda cagta lagu cayaaro oo ku yaalla magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, ayaa loogu magaca daray Samiya Yuusuf Cumar, oo aheyd oradyahan Soomaaliyeed, oo bishii April ee sanadkii 2012 ku geeriyootey badda Medhitareeniyaanka ee u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga.

Saamiya ayaa waqtigaas dooneysay inay Yurub gasho si ay tababar sareeya oo la xiriira xirfaddeeda orodka u hesho.

Saamiya ayaa Soomaaliya u matashay ciyaarihii Olombikada ee sanadkii 2008-dii lagu qabtay magaalada Beijing ee caasimadda China.

Magacaabistan ayaa la sheegay inay ka dambeysay buug uu qoray qoraa Talyaani ah, oo Saamiya ku saabsanaa, kaasi oo si aad ah looga aqristay dalka Talyaaniga.

Jamaal Axmed Cismaan ayaa qadka telefoonka kula xiriiray Ismaaciil Maxamed Cumar Diyeeshe oo Milano jooga islamarkaasina garoonkan Saamiya loogu magac daray muddo tababar ku soo qaatay.

Garoon loogu magac daray Saamiya
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:00 0:00

XS
SM
MD
LG