Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kaliil oo Garbahaarey Tagay iyo Xiisad Jirta


Ciidamada Ethiopia ayaa isku hareereeyey guriga Kaill
Ciidamada Ethiopia ayaa isku hareereeyey guriga Kaill

Tegitaanka Kaliil ee Garbahaarey, ayaa xiisad ka dhalisay magaalada, kadib markii ciidamada Ethiopia ee jooga magaalada ay isku hareereeyeen gurigii uu ku sugnaa Kaliil.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah guddoomiyaha dowladda Soomaaliya ugu magacaaban gobolka Gedo, ayaa maanta tagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa waxay horey u sheegeen in Kaliil laga qaaday xilkii Guddoomyennimo ee Gobolka Gedo, balse waxa uu ku adkeysanayaa in isaga uu weli yahay guddoomiyaha.

Tegitaanka Kaliil ee Garbahaarey, ayaa xiisad ka dhalisay magaalada, kadib markii ciidamada Ethiopia ee jooga magaalada ay isku hareereeyeen gurigii uu ku sugnaa Kaliil.

Si kastaba ha ahaateen, dadweyne ka mid ah kuwa magaalada ayaa banaanbax ka hor sammeeyey guriga Kaliil ee Itoobiyaanka ay isku hareereeyeen, taasi oo keentay in ciidamada Ethiopia ay ka tagaan guriga.

Wararka naga soo gaaraya Garbahaarey waxa ay sheegayaan in weli xiisad iyo cabsi ay ka jirto magaalada. Haddaba Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa waxaan ka warreysanay sidii ay maanta wax u dhaceen, iyo xil ka qaadis uu horey ugu sammeeyey Axmed Madoobe.

Waxaa wareystay Falastiin Axmed Iimaan.

Wareysi: Maxamed Cabdi Kaliil
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

XS
SM
MD
LG