Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsade Xalay Lagu dilay degmada Jalalaqsi


WFP iyo Care oo laga mamnuucay Hiiraan
WFP iyo Care oo laga mamnuucay Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya dagmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay nin ganaacsada oo farmashiye ku lahaa magaalada la dilay kadib markii ay gurigiisa kala baxeen kooxo hubeysan.

Dilka ganaacsadahan oo lagu magacaabi jiray Saleeban Cali Muumin ayaa waxaa VOA u xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dagmada Jalalaqsi ee maamulka iyo maaliyada Maxamed Cabdi Abkiir.

Maxamed waxa uu sheegay in saqdii dhexe xalay ninkan gurigiisa lagala baxay islamarkaana lagu dilay duleedka dagmada.

Ujeeddada iyo cida dishay si rasmi ah looma oga, laakiin qaar ka tirsan dadka Jalalaqsi ayaa warbaahinta u sheegay in loo maleynayo in la qoonsaday shaqadiisa caafimaadka.

Waa dhacdadii ugu horreysay ee ka dhacda Jalalaqsi tan iyo markii ay gacanta dowladda soo gashay dhowr bilood ka hor.

XS
SM
MD
LG