Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug Oo Wadda Dhismaha Maamullo


Madaxweyne ku xigeenka GALMUDUG Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay siyasaadda lixda tiir ee maamulka GALMUDUG.

Maamul Goboleedka GALMUDUG ayaa dadaal ugu jira sidii maamullo ku meel gaar ah loogu sameyn lahaa degmooyinka gobolka, kuwaa oo dadka gobolka gaarsiiya nidaam ay ku soo doortaan maamulka dowladaha hoose.

Dhawaan ayey Madaxda Maamulka GALMUDUG maamul u dhiseen degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo maamullada.

Sidoo kale waxaa maamul loo dhisay degamada Balanbal, iyadoo haatanna uu socdo dadaal maamul loogu sameynayo koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dhammaan maamuladan ayaa ah kuwo ku meel gaar ah, oo jiraya 90 maalmood, inta maamul ay ka dhisanayaan dadka deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka GALMUDUG Maxamed Xaashi Cabdi oo aan kula xiriirnay khadka taleefanka isagoo ku suggan degmada Balanbal ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay siyasaadda lixda tiir ee maamulka GALMUDUG.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u warramay weriyaheena Maxamed Colaad Xasan.

Madaxweyne ku xigeenka GALMUDUG
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:50 0:00

XS
SM
MD
LG