Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabdho taariikh cusub u dhigay askarta USA


Haween ka tirsan ciidamada Mareykanka (File Photo)
Haween ka tirsan ciidamada Mareykanka (File Photo)

Laba gabar oo askar Mareykan ah, ayaa noqon doona haweenkii ugu horreeyey oo ka qalin jebiya iskuulka dabaqadda sare ee ciidamada raanjeriska Mareykanka.

Laba gabar oo askar Mareykan ah, ayaa noqon doona haweenkii ugu horreeyey oo ka qalin jebiya iskuulka dabaqadda sare ee ciidamada raanjeriska Mareykanka. Iskuulkan ayaa waxa lagu qaataa tababar jir iyo mid maskaxeed oo aad u dhib badan oo u diyaariya askarta inay hoggaamiyaan ciidamada aadaya goobaha dagaalka.

Labada gabdhood ayaa waxa ay garab istaagi doonaan 94 rag ah, maalinta Jimcaha markaasi oo la guddoonsiin doono shahaadooyinka koorsadii socotay 62-ka maalmood, xaflad ka dhaceysa magaalada Benning ee gobolka Goergia.

Inkasta oo ay ka qalin jebiyeen Iskuulka Rangers-ka, ayaa haddana labada gabdhood waxaan loo ogolaan doonin inay codsadaan inay kusoo biiraan qeybta 75-kaad ee ciidamada raanjeriska, oo ah qeybta ugu sareysa ciidanka.

Militariga Mareykanka, ayaa iminka ka fakaraya inay qaadaan xayiraad muddo soo jirtay oo haweenka u diideysa inay ka qeyb galaan dagaalka, waxaana go’aanka la filayaa dhammaadka sanadkan.

XS
SM
MD
LG