Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar Ay Afduubeen Shaabab Oo La Furtay


Haweeneydan ayaa dhowr maalmood ka hor laga soo afduubtay Kenya, waxaana soo furashadeeda kahor dhacay dagaal dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamaada Kenya iyo Jubaland.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa soo wada furtey haweenay Kenyan ah oo macallin iskuul ka aheyd deegaanka Dhadhaab, taasi oo ay dhowaan kooxo hubaysan soo afduubteen.

Dagaal ayaa ka dhacay goobta afduubka haweenaydasi loogu haystey oo aanan sidaasi uga fogeyn xuduudda Somalia iyo Kenya, islamarkaana 18 KM u jirta deegaanka Dhoobley.

Jaamac Ducaale Cali oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada deegaanka Dhoobley, ayaa VOA-da u sheegay inay qaadeen weerarka oo ay jidka u galeen koox Al-Shabaab ah oo afduub u haysatay haweeneydan.

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada kale ee weerarka qaaday, ayaa labaduba waxa ay wararku sheegayaan in khasaare uu kusoo gaaray dagaalka.

Sahra Abdi Ahmed ayaa arrintan ka warreystay Jaamac Ducaale Cali oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada deegaanka Dhoobley, ayada oo weydiisay sida ay wax u dhaceen.

Haweeney lasoo furtay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:42 0:00

XS
SM
MD
LG