Isku xirrada

War Deg-Deg ah

C/Weli Gaas: "Heshiis Ayaa La Gaari Doonaa"


Cabdi Weli Gaas
Cabdi Weli Gaas

Madaxweynaha Puntland ayaa rajo ka muujiyey in shirka Madasha lagu gaari doono heshiis dan u ah umadda Soomaaliyeed oo dhan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa rajo ka muujiyey in dhinacyada siyaasadda Soomaalida ay heshiis ka gaari doonaan shrikii shalay natiijo la’aanta ay ku soo kala tageen ee Kismaayo.

Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso, oo uu maanta tagay, ayaa sheegay in shirka uusan guul darro ku dhammaan, balse lagu kala maqan yahay wadatashiyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in ugu dambeyn la gaari doono heshiis dan u ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Cabdi Weli Gaas waxa uu ku warramay in Puntland ay shirka la tagtay rabitaanka shacabka Puntland, balse waxa uu sheegay in cid walba aysan heli doonin 100% wixii ayada ay rabtay, ayna lagama maarmaan noqon doonto in wixii danta Soomaalida ay ku jirto tanaasul laga sameeyo.

Shirka Madahsa ee Kismaayo kusoo dhammaaday iyo kulamadii kale eek a horeeyey ayaa looga hadlayaa habka lagu soo xulayo xildhibaanada cusub ee baralamanka Soomaaliya, waxaana Puntland ay dooneysaa in hab degmo lagu saleeyo.

Wariyeheenna Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan kasoo soo dirtay Boosaaso.

Gaas oo rajo muujiyey
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:47 0:00

XS
SM
MD
LG