Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaas: Go'aanka Waxaa leh Shacabka Puntland


Cabdi Weli Gaas
Cabdi Weli Gaas

Gaas waxa uu sheegay inaysan aqbaleynin 4.5, waxaana magaalada Garoowe ka dhacay dibadbax lagu taageerayo go'aankiisa.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo maanta tagay magaalada Boosaaso ayaa mar kale ku celiyay inuu diidan yahay go’aaamadii ka soo baxay shirki madasha wadatashiga qaranka.

Gaas oo saxaafadda la hadlay ayaa shaaca ka qaaday inuusan raali ka ahayn in habka 4.5 lagu soo xulo baarlamanka cusub ee Soomaaliya, sida go’aankii dowladda lagu sheegay.

Cabdi Weli Gaas waxa uu yiri in shacabka Puntland ay u wakiisheen shirka, islamrakaana 4.5 aysan ahayn wixii ay ay ka dalbadeen inuu usoo qaado, sida adarteedna uu uu diiday.

Madaxweynaha Puntland, waxa uu sheegay inuu talada kusoo celiyey shacabka Puntland, ayna yihiin kuwa aayahooda ayaga go’aan ka gaaraya.

Kulamadii horey uga dhacay deegaanada Puntland ayay shacabka Puntland ku sheegeen inay doonayaan inay golaha sharci dejinta Soomaalida ee cusub lagu soo xulo habka deegaanka.

Dhinaca kale, Magaalada Garowe waxaa maanta ka dhacay dibaxbax looga soo horjeedo go’aammada shirka madasha, laguna taageeray go’aankii uu ka qaatay madaxweynaha Puntland.

Warbixintan hadalka Gaas waxaa Bossaaso ka soo dirtay, Faadumo Yaasiin Jaamac.

Gaas oo ku laabtay Boosaaso
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:08 0:00

Dibadbaxa ka dhacay Garoowe, waxaa warbixin kasoo diray Nuux Muuse.

Dibadbax ka dhacay Garoowe
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:21 0:00

XS
SM
MD
LG