Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaafoow: Dulqaadkii Ayaa Naga Dhamaaday


Gaafoow (Sawirka Radio Muqdisho)
Gaafoow (Sawirka Radio Muqdisho)

Agaasimada laanta socdaalka iyo jinsiyadda Somalia, Cabdullahi Gafaow Maxamuud ayaa ka hadlay sababta loo joojiyey duulimaadyadii Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyadii ka bixi jira magaalada Muqdisho ee tagi jiray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Warqad kasoo baxday agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, Cabdullahi Gafaow Maxamuud, ayaa lagu sheegay in amarkan uu dhaqan galayo 22-ka bishan Febraayo.

Wareysi uu siiyey VOA-da, ayaa Cabdullaahi Gaafow, waxa uu ku sheegay in soo saareen amarkan kadib markii Somaliland ay billowday bixinta warqad “Go Home” ama “Dalka Ka bax” ah oo la siiyo dadka soo aadaya Muqdisho, kuwaas oo 15 dollar qofkiiba looga qaado.

Cabdullahi Gaafow ayaa sheegay in in muddo ah u dul qaadanayeen dhibaato uu sheegay in Somaliland ay ku hayso shacabka usoo safraya Muqdisho, balse aysan intaa ka badan dul qaadan karin.

Dowladda oo joojisay duulimaadyada Hargeysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00

XS
SM
MD
LG