Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FIFA oo Shaqada Ka Hakisay Sepp Blatter


Soccer WWCup Absent Blatter
Soccer WWCup Absent Blatter

Guddiga anshaxa ee xiririka kubadda cagta adduunka FIFA, ayaa shaqadii ka xannibay muddo sagaashan cisho madaxweynaha FIFA Sepp Blatter iyo ku xigeenkiisa.

Guddiga, ayaa qaaday tallaabada ka dhanka ah Blatter iyo Michel Platini, oo sidoo kale ah madaxa xiriirka kubadda cagta Yurub khamiistii, wax ka yar laba toddobaad kaddib markii xeer-ilaalinta Switzerland ay furtey dambi baaris ka dhan ah Blatter, kaas oo lagu edeynayno in uu siiyay in ka badan laba miliyan oo Dollar Platini sanadkii 2011.

Mas’uuliyiin ayaa su’aalo ku weydiiyay Blatter xarrunta FIFA ee Zurich, waxayna sidoo kale baareen xafiiskiisa.

Xannibaaddan, ayaa sida muuqata waxay dhaawaceysaa hamigii uu Platini ka lahaa in uu baddalo Blatter oo hore ugu eedeysanaa wax is daba marin. Xiddigii howlgabka ka noqdey xulka France, ayaa horraanta Khamiista maanta beeniyay in uu sameyay wax khalad ah.

Haddaba saameynta ay arrimahani ku yeelan karaan xiriirka kubadda cagta adduunka iyo madaxda cayaaraha, ayaa waxa uu Jamaal Axmed Cismaan ka wareystay Cabdi Salaan Xasan Daa’uud oo wax ka qora ciyaaraha, kuna sugan waddanka Austria.

Wareysi la Xiriira FIFA
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:46 0:00

XS
SM
MD
LG