Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faroole oo qiray in Shabaabku joogaan Puntland


Faroole oo qiray in Shabaabku joogaan Puntland
Faroole oo qiray in Shabaabku joogaan Puntland

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa qiray in maleeshiyo gacan-saar la leh Al-Shabab ay joogaan deegaanno ka tirsan Puntland.

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa markii ugu horeysay sheegay in maleeshiyo taabacsan ururka Al-Shabaab ay ku sugan yihiin gudaha Puntland, kuwaasi oo dhawaan calanka Shabaab ka taagey deegaan aan ka fogeyn magaalada Boosaaso.

Wareysi khaas ah oo uu siiyay VOA, wuxuu Madaxweyne Faroole ku qiray in Maleeshiyadan hubeysan uu hogaaminayo nin magaciisa lagu sheegay ATAM, iyagoo muddo sannado ah isku uruursanayay deegaanka buuralayda ah ee Galgala.

Faroole, wuxuu xusay in maleeshidan ay xasillooni darro ka wadaan magaalada Boosaaso isla markaana ay ka danbeeyaan rabshadaha ka dhacaya Puntland, wuxuuse Madaxweyne Faroole sheegay in ciidamada Puntland ay ku hareeraysan yihiin maleeshiyadaasi dhawaana ay cagta marin doonaan.

C/raxmaan Faroole, wuxuu sidoo kale rabshadaha iyo dilalka qorsheysan ee magaalooyinka Puntland ka dhaca, kuwaaasi oo uu ku eedeeyay dad ka soo jeeda gobollada koonfurta Somalia. Faroole wuxuu sheegay in ciidamada amniga Puntland ay haatan wadaan olole ay ku qab-qabanayaan dadka ka soo jeeda koonfurta ee lagu tuhmayo inay rabshadaha wadaan.

Wareysiga madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole qeybta hoose ee qroaalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG