Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fanaaniin Geerida Cawke Ka Tacsiyeeyey


Axmed Xasan Cawke
Axmed Xasan Cawke

Weriye Axmed Xasan Cawke ayaa waxa uu shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga, kadib markii uu xanuun kusoo booday.

Allaha u naxariistee waxaa shalay magaalada Jigjga ee caasimadda Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ku geeriyooday weriye Axmed Xasan Cawke, kadib markii uu xanuun kusoo booday.

Weriye Axmed Xasan Cawke ayaa ka mid ahaa Tiirarka warbaahinta Soomaalida, waxaana uu horey ula shaqeeyey idaacadaha Raadiyo Muqdishu, VOA, BBC iyo Teleefishino kala duwan.

Illaa iyo hadda waxa idaacadda VOA-da soo gaaraya dhambaallada Tacsida Axmed Xasan Cawke.

Weriyaha VOA-da Maxamuud Mascadde oo ku sugan Minnesota ayaa la kulmay qaar ka mid ah fanaaniinta waawayn ee hobolladii waabari yo wariyeyaal ay sanado hore soo wada shaqeeyeen Cawke, warbixintan ayaanu nooga soo diyaariyay.

Tacsida Geerida Cawke
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:50 0:00

XS
SM
MD
LG