Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fanaaniin ka Hadlay Xariga Xidigaha Geeska


Xidigaha Geeska
Xidigaha Geeska

Maamulka Somaliland ayaa shalay xabsiga dhigay afar fannaan oo ka mid ah fannaaniinta Xiddigaha Geeska, kuwaasi oo Hargeysa ku laabtay kadib markii ay barnaamij faneed kusoo dhigeen magaalada Muqdisho, maalintii Ciidda.

Fannaaniinta la xiray ayaa kala ah Nimcaan Cabdiraxmaan (Nimcaan Hillaac), Xamda Cabdikariin (Xamda Queen), Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) iyo Cabdiraxmaan Caydiid Oday.

Qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay, ayna cambaareynayaan falka maamulka Somaliland ay ku xireen afartan fannaan.

Fanaaniinta la hadlay VOA, ee arrintan dareenka ka muujiyey, ayaa waxaa ka mid ah, Dalmar Yare, Hodan Cabdiraxmaan, Cabdirashiid Cali Xamari, Dayax Dalnuurshe, Maxamed Alta, Cabdullaahi Boqol, Sir Maxamuud Cumar, Canab Cabdiraxmaan Indha Deeq iyo kuwa kale.

Waxa ay gebigoodba isku racaeen inay qalad tahay in fanka iyo siyaasadda la isku xiro, ayna wax lala yaabo tahay in fannaaniinta taga dalalka kale aysan xirin Somaliland, balse ay xirayaan kuwa taga Muqdisho.

Dareenka Fannaaniinta
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:23 0:00

XS
SM
MD
LG