Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Dhacday


Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya diyaarad la sheegay in laga lee yahay dalka Masar oo xalay ku dhacday agagaarka deegaanka Carbiska ee u dhow magaalada Afgooye, kadib markii ay u suurto geli weyday inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Lix qof oo la socday diyaaradda ayaa badbaaday balse waxyeello xooggan ayaa gaartay diyaaradda, kadib markii uu duuliyaha sameeyey dejin deg deg ah.

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaaxid Sheekh Cumar, ayaa sheegay in diyaaradda ay sidday cunto qaboojisan (Frozen Food), oo ciidamada Amisom ay lee yihiin.

Maareeyaha oo ay wareysatay Sahra Ciidle Nuur, ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey sidii ay wax u dhaceen.

Wareysi: Maareeyaha Hawada
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:18 0:00

XS
SM
MD
LG